Tababaraha cusub ee Barcelona, Wenger oo heshiis saxiixay & warar kale

Lahaanshaha sawirka Barcelona Twitter
Image caption Ernesto Valverde hawl adag ayaa u taal

Tababaraha cusub ee Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah uu soo bandhigay macalinkooda cusub Ernesto Valverde kaasi oo badalaya Luis Enrique oo sadex sano kooxda maamulayey.,

Garoonka caanka ah ee kooxda reer Spain ee Nou Camp ayaa saxaafadda loo soo bandhigay tababaraha cusub ee 53 jir ah, kaas oo horay ugu soo ciyaari jiray kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Ernesto Valverde ayaa Barcelina uga soo wareegay kooxda Athletic Bilbao oo uu maamulayey sadexdii sano ee la soo dhaafay, waxaa horyaal hawl adag oo ay ugu horreyso in uu Barcelona u soo celiyo horyaalka Spain iyo Champions League oo sanadkan aanay qaadin iyo waliba maamulida ciyaaryahanada caanka ah ee kooxda u joogo oo ay ka mid yihiin Messi, Neymar iyo Suarez.

ARSENE WENGER oo saxiixay heshiis cusub oo 2 sano oo dheeraad ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsene Wenger 21 sano ayuu Arsenal maamulayey

Tababaraha kooxda Arsenal 67 jirka reer Farance Arsene Wenger ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo kooxda uu ugu sii ahaanayo tababaraha labo sano oo dheeraad ah, taasi oo gaarsiinaya in kooxda uu hogaamiyo 23 sano.

Wadahadallo Isniintii dhexmaray ninka iska leh saamiga ugu badan ee kooxda Arsenal oo u dhashay wadanka Mareykanka laguna magacaabo Stan Kroenke ayaa la isku afgartay kordhinta waqtiga macalin Wenger uu laylinayo kooxda kaasi oo ku ekaa xagaaga.

War lagu daabacay bogga Internet-ka ee kooxda Arsenal ayaa lagu sheegay in Mr Stan uu tilmaamay in kooxda yoolkeedu yahay inay ku guulaysato horyaalka Ingiriiska ee Premier League-ga, iyo koobabka kale ee Yurub, isla markaana ay kooxdu leedahay hami sarreeya, Arsene Wenger-na uu yahay qof kooxda ku hogaamin kara guulahaas.

Aresen Wenger 21 sano oo uu kooxda laylinayey wuxuu maamulay 1, 175 kulan isagoo badiyey 676 ka mid ah, wuxuu kooxda u qaaday 16 koob oo ay ka mid ahayd laba mar oo isla qaaday Premier Legaue-ga iyo FA-ka sanadkiisii ugu horreeyey oo buuxa oo ahaa ee 1998 iyo 2002.

Inkastoo Arsene uu in muddo ah qalbiyada taageerayaasha Arsenal ku lahaa xusuus iyo jacayl wayn haddana mudooyinkii ugu dambeeyey wuxuu la kulmay mucaaradnimo xooggan oo uga timid qaar ka mid ah taageerayaasha kuwaasi oo dalbanayey inaan la siin heshiis cusub ayna tahay in banneeyo booska maamulka, laakiin waxay u muuqataa in mulkiilaha Arsenal aanu dhag jalaq u siin dalabka taageerayaasha aadka u caraysan.

Real Madir vs Juventus:

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Koobka kooxeed ee ugu qaalisan Yurub

Astaanta caanka ee lagu bilaabo kulamada koobka horyaalada Yurub ee Champions League-ga ayaa habeenka Sabtida 9:45 daqiiqo waqtiga Bariga Afrika ka shidan garoonka Millennium Stadium ee magaalada Cardif ee gobolka Wales ee wadankan UK.

Kulankaas oo ah Final-ka Champions League waxaa isku halleelaya Real Madrid reer Spain oo koobka daafacanaysa iyo kooxda reer Talyaani ee Juventus, kooxahan oo ka mid ah kooxaha ugu murqaha waa wayn Yurub.

Kooxda Real Madrid waxaa u soo laabtay oo dhaawac uga maqnaa ciyaaryahanka Gareth Bale oo isagu ka soo jeeda magaalada Cardif ee lagu ciyaarayo, waxaana Real Madrid oo horaantii bishan qaaday horyaalka Spain ay doonaysaa inay ku darsato koobka kooxeed ee ugu qaalinsan Yurub ee Champions Legaue-ga, kaasi oo ay ugu dambeysay muddo haatan laga joogo 59 sano.

Kani ma ahan markii ugu horeysay ee labadan kooxood isku arkaan Final-ka 20-kii May 1998-dii waxay ciyaar tan la mid ah isaga horyimaadeen garoonka caanka ah ee Amsterdam Arena kulankaasi oo ay ku badisay Real Madrid 1-0 ayna koobka ku qaaday ciyaartooydii xilligaasi Juventus u ciyaaraysay waxaa ka mid ahaa Zinedine Zidane oo hadda laylinaya Real Madrid Antonio Conte oo Chelsea maamula oo badal ku soo galay ciyaartaas, Filippo Inzaghi, Alessandro Del Piero, iyo kuwa kale waxaana Juventus horkacayey macalinkii reer Talyaani Marcello Lippi

Xagga Real-na waxaa ugu caansanaa Clarence Clyde Seedorf, Roberto Carlos, Davor Šuker, Silva Rocha iyo Predrag Mijatović oo guulka guusha Real u dhaliyey, macalin Jupp Heynckes

Sanadkaas Kooxda Manchester City waxay u dhacday heerka sadexaad ee horyaaladda England, xiddiga kooxda Monoco ee haatan kooxaha waa wayn aduunka lacageed ku doonayaan Kylian Mbappe wuxuu ku jiray 3 bilood caloosha hooyadiis

De Rossi oo heshiis cusub saxiixay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Daniele de Rossi (Midigta) oo u dabaaldeyaga gool uu dhaliyey

Captian-ka kooxda Roma ee Talyaaniga Daniele de Rossi ayaa qalinka saaray saxiixa heshisi cusub oo kooxda uu kula sii joogayo ilaa iyo sanadka 2019, sadex maalin ka dib markii uu ciyaaraha ka fariistay halyeeyga Roma Francesco Totti.

De Rossi ayaa heshiiska uu saxiixay wuxuu u ogalanaaya sanadkii in uu jeebkiisa ku dhacdo 7 milyan doolar, waxaana uu noqonayaa ciyaaryahanka ugu mushaarka badan horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

United oo ka gaws-adeygsa inay sii dayso goolhaye David de Gea:

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Manchester United waxay David de Gea u haysataa hanti

Kooxda Manchester United ayaa rajeynaysa inay qalbigiisa ka saarto goolhayhooda reer Spain David de Gea in xagaaga uu u wareego kooxda Real Madrid oo toosh afar qaad ah ku baadigoobaysay sanooyinkii la oo dhaafay.

Sanadkii 2015-tii ayaa waxaa burburay heshiis ku kacayay 29 milyan oo geniga Starling-ka oo Real kula wareegi lahayd xiddigaas, ka dib markii la sheegay innaan si quman loo saxiixin waraaqihii heshiiska.