Madrid iyo Juventus oo caawa isku dheggan

Zinedine Zidane iyo Massimiliano Allegri Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane iyo tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri
2017 Finaalka Koobka Horyaalada Yurub
Goobta: Garoonka Millennium, Cardiff. Taariikhda: Sabti, 3 Juun. Waqtiga: 19:45 BST.
BBC kala soco natiijada ciyaarta

Real Madrid iyo Juventus ayaa caawa isaga hor imanaya finaalka Koobka Horyaalada Yurub ee lagu qaban doono magaalada Cardiff.

Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, ayey qasab ku tahay inuu kala doorto midkii uu safi lahaa labada ciyaaryahan ee Gareth Bale iyo Isco taas oo u muuqato inay tahay arrinta kaliya ee culeyska ku hayso markii ay timaado xulista ciyaartoyda dheeli doonta Finaalka Koobka Uefa Champions League.

Bale ma uusan dheelin tan iyo 23-kii bishii Abriil hasayeeshee haatan diyaar ayuu u yahay inuu dheelo oo waa uu caafimaad qabaa, halka Isco oo qaab ciyaareedkiisu uu aad u wanaagsan yahay uu 5 gool dhaliyay 8 ciyaar ee ugu dambaysay.

"Labaduba waa laba ciyaartoy oo muhiim ah, qofkastana ra'yigiisa waa uu dhiiban karaa laakiin cidna ra'yigayga ma faragashan karto," ayuu yiri Zidane.

Tababaraha Juventus, Max Allegri, ayey dhammaan ciyaartoydiisu diyaar u yihiin kulanka caawa.

Gianluigi Buffon, Giorgio Chiellini, Alex Sandro, Mario Mandzukic iyo Leonardo Bonucci ayaa dhammaantood la nasiyay markii Juve ay Sabtidii la soo dhaafay ciyaartii ugu dambaysay xagaagan ay Serie A kula dheeshay kooxda Bologna, halka Dani Alves uu ganaax ku maqnaa.

Laacibkii hore ee Real Madrid, Sami Khedira, ayaa ciyaartaasi dheelay - kaddib markii uu dhaawac ka soo laabtay - waxaana haatan la filayaa inuu dheeli doono ciyaarta caawa.

Kooxda Talyaaniga ayaa waxaa hogaamin doona goolhayahooda 39-ka ah, Gianluigi Buffon, kaasi oo aanan ku guulaysan koobka caawa loo tartamayo ee Champions League.

"Wax badan ayey iiga dhignaan doontaa," ayuu yiri rugcadaagan xulka Talyaaniga u saftay 168-da kulan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan