Isbuurasho ka dhacday Talyaaniga oo '1,000 ay ku dhaawacmeen'

Piazza San Carlo, Turin, 3 June 2017 Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Taagerayaal badan ayaa waxaa ka lumay kabihii xilli ay ka baxsanayeen fagaaraha

Ku dhawaad 1,000 qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga kaddib markii la maqlay wax qarax u eg, kaas oo sababay in ay halkaas ka dhacdo isbuurasho, sida uu sheegay booliska.

Kumannaan qof oo taageerayaal kubad cag ah ayaa daawanayay ciyaartii finaalka Champions League ee Cardiff ku dhexmartay kooxaha Juventus iyo Real Madrid, markii la maqlay wax qarax u eg, kaas oo horseeday tashuus ah in qarax uu dhacay.

Ugu yaraan laba qof oo uu mid yahay canug yar oo todoba jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus.

Real Madrid ayaa 4-1 ku garaacday kooxda Juventus iyadoo sidaana ugu guulaysatay koobkii 12-aad ee Horyaallada Yurub.

Iyadoo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay qeybta labaad ee ciyaarta, ayaa dad fara badan waxa ay isaga carareen fagaaraha Piazza San Carlo, iyadoo dadkuna ay isku buurteen xayndaab la dhigay fagaarahaas.

Boorsooyinka lagu qaato gacmaha iyo kabo ayaa looga tagay barxadda xilli dadku ay ka baxsanayeen fagaaraha iyagoo qeylinaya.

Qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda Juventus ayey dhacdadan ku keentay inay dib u xusuustaan musiibadii 1985-tii ka dhacday garoonka Heysel, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof, oo intooda badan ay ahaayeen taageerayaal Talyaani ah, kaddib markii uu ku soo dumay darbi ka hor ciyaartii finaalka Koobka Yurub ee Juventus ay la dheeshay kooxda Liverpool.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad fara badan ayaa buuxiyay barxadda fagaaraha si ay shaashad weyn uga daawadaan ciyaarta
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Markii ay bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Juventus waxaa hawada ka qarisay kooxda Real Madrid
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption 10 daqiiqo markii ay ciyaartu ka harsaneyd, ayaa dhawaq weyn oo la maqlay waxa uu argagax ku abuuray taageerayaasha
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isbuurashada kaddib qof walba waxay kala lumeen qofkii ay isla socdeen
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Taageerayaasha dhaawacmay ayaa laga bixinayay burburka
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Fagaaraha ayaa waxaa buuxiyay boorsooyinka gacmaha lagu qaato iyo kabo ay ka carareen taageerayaasha
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska ayaa baaraya waxa rasmiga ah ee keenay argagaxa