Cristiano Ronaldo oo noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan dunida

sports

Ciyaaryahanka u dheela kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka dunida ugu mushaarka badan.

Cristiano oo dhowr jeer ku guullaystay billada ciiyaaryahanka dunida ugu wanaagsan ayaa sanadkiiba qaata 93 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lacagtan ayaa isugu jirta mushaar, gunno iyo lacago uu ka helo xayeysiinta.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan ku guullaystay koobka Horyaalada Yurub ee Champions League-ga iyo koobka Horyaalka Spain ee La Liga.

Liiska sida loo kala mushaar badan yahay ayaa la soo daabacay waxaana Cristiano lacag ahaan ku xiga ciyaaryahan dheella kubadda koleyga oo lagu magacaabo LKebron James oo sanadkii dhaqaale ahaan u qaata aduun gaaraya 86 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lional Messi oo kooxda Barcelona u ciyaara ayaa isagana sanadkii mushaar ahaan u qaata lacag gaaraysa 80 Milyan oo doolar.

Ciyaartoyda dalka Britain u dhashay waxaa mushaar ahaan ugu badan Gareth Bale oo 50 Milyan oo doolar qaata.

Zlatan Ibrahimvic oo kooxda Manchester United u ciyaara ayaa isagana qaata mushaar dhan 32 Milyan oo doolar.