Manchester United oo fasaxaysa Ibrahimovic

Zlatan Ibrahimovic Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Zlatan Ibrahimovic oo kor u haya koobka Europa League-ga ee ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay kooxdiisa Man United

Kooxda Manchester United ayaanan la filayn in qandaraas cusub ay u bandhigto weeraryahankooda Zlatan Ibrahimovic marka 30-ka Juun uu dhaco midka uu haatan kula joogo kooxdaasi.

35-jirkan ayaa xagaagii tegay kooxdan la galay qandaraas hal sano ah, iyo in sanad kale oo dheeraad ah loogu dari karo.

Hasayeeshee kordhinta qandaraaska ayaanan la dhaqangelin xilligii ciyaaryahankan uu bishii Abriil jilibka ka soo gaaray dhaawac culus.

Waxaa maanta oo Jimco ah la shaacin doonaa liiska ciyaartoyda la sii joogi doona kooxaha ka dheela Horyaalka Ingiriirska ee Premier League-ga.

Daafacii hore ee xulka Ingiriiska John Terry ayaa ka mid ah ciyaartoyda magaca leh ee aanan kooxna xilli ciyaareedkan u diiwaan-gashanayn, kaddib markii uu isaga tegay kooxda Chelsea, halka Manchester City ay goor horaba xaqiijisay in la fasaxi doono goolhaye Willy Caballero, ciyaaryahanka garabka ka dheela ee Jesus Navas iyo daafacyada kala ah Gael Clichy and Bacary Sagna.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ee Joey Barton ayaa sidoo kale waxa uu baadi goobayaa koox cusub kaddib markii ay fasaxday kooxda Burnley oo uu u dheeli jiray, hasayeeshee ciyaaryahanka waxaa u socda ganaax 18 bilood ah oo uu ku mutaystay dambi ku salaysan khamaar uu dheelay.

Ibrahimovic ayaa guud ahaan kooxda Manchester United u saftay 46 kulan, waxa uuna u dhaliyay 28 gool, isagoo kooxda tababare Jose Mourinho ka caawiyay inay ku guulaystaan koobabka Community Shield, League Cup-ka iyo midka Europa League-ga.