Cristiano Ronaldo oo loo haysto canshuur bixim la aan

Sawirkan waxaa Cristiano Ronaldo laga qaaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Real Madrid ay ku hanatay koobka Horyaallada Yurub Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sawirkan waxaa Cristiano Ronaldo laga qaaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Real Madrid ay ku hanatay koobka Horyaallada Yurub

Dacwad oogeyaal reer Spain ah ayaa ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ku eedeeyay in uu dawladda ka khayaanay canshuuro gaaraya malaayiin doolar.

Xafiiska dacwad oogeyaasha ee magaalada Madrid ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan ah ciyaaryahanka reer Boortaqiis.

Waxaa lagu eedeeyay in uusan bixinin 16 milyan oo doolar oo canshuur ah intii u dhaxaysay 2011kii ilaa 2014kii.

Ciyaaryahannka lacagta ugu badan lasiiyo ayaa horay u sheegay in uusan ka cabsiqabin baaritaannada la xiriira canshuuraha maadaama oo aysan jirin wax uu qarinayo.

Hadda waxaa lagu eedaynayaa in uu si ula kac ah u adeegsaday "qaab ganacsi" si uu u qariyo dhaqaalaha ka soo gala xuquuqda sawirradiisa.

Macluumaad la dusiyay bishii Desembar ee sannadkii hore ayaa tilmaamaya in Ronaldo uusan canshuuro ka bixinin lacago soo galay oo la sheegay in ay yaalaan meel Spain ka baxsan.

Wuu diiday eedaymahaas.

Markii weriye ka tirsan Radio Television Portuguesa uu waydiiyay baaritaankan lagu hayo wuxuu ku jawaaabay "Quien no debe no teme", oo macno ahaan u dhiganta "qofkii aan haynin wax uu qaro wax uu ka cabsado ma jiraan".