Griezmann oo kordhiyay qandaraaskiisa Atletico Madrid

Griezmann Atletico Madrid Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Griezmann ayaa xagaagii 2014 kusoo biiray Atletico Madrid

Weeraryahanka Atletico Madrid, Antoine Griezmann, ayaa sanad ku kordhiyay heshiiska uu kooxdaasi kula sii joogaya, kaasoo hadda ku eg sanadka 2022.

26 jirkan Faransiisk ah ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Manchester United, waxaana uu bishii hore sheegay inuu haysto fursad "6/10" uu ugu wareegi karo garoonka Old Trafford xagaagan.

Balse waxa uu ogolaaday inuu Atletico sii joogo, ka dib markii kooxda laga qaadi waayay xanibaada ciyaartooy lasoo wareegidda.

Griezmann ayaa sheegay inuu taageerayaasha kooxda ka raali-gelinayo qoraalka ku aaddan Manchester.

Kooxda ayaan ka hor bisha January ee soo socota lasoo wareegi karin ciyaartooy, maadaamada laga diiyay racfaan ay ka qaadatay xanibaad la saaray bishii July 2016, markaasoo lagu helay in ay jabisay xeerka u yaalla FIFA ee qorashada ciyaartooyda da'da yar.

Griezmann oo xilli ciyaareedkii dhammaaday 41 kulan u saftay Atletico ayaa u dhaliyay 26 gool, waxaana kooxdaasi ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee horyaalka La Liga.

Bishii January ee sanadkana, waxaa Griezmann loo magacaabay laacibka saddexaad ee dunnida ugu wanaagsan ee abaalmarinta Ballon d'Or.