Ruushka oo badiyay ciyaartii furitaanka koobka Confederations-ka

Ruushka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ruushka ayaa 2-0 uga badiyay New Zealand

Tartanka kubadda cagta ee loo yaqaano koobka Confederations-ka ayaa ka furmay dalka Ruushka, ayadoo ciyaartii koobaad uu dalkaasi martida loo yahay 2-0 kaga adkaaday New Zealand.

Gudoomiyaha FIFA, Gianni Infantino ayaa furay tartanka, waxaana munaasabadaasi oo ka dhacday garoonka magaalada St Petersburg goobjoog ka ahaa madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyo laacibkii hore ee Brazil, Pele.

Sideeda dal ee kala ah Ruushka, Mexico, Bortaqiiska, Jarmalka, Chile, Cameroon, New Zealand iyo Australia ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan oo socon doona laba todobaad.

Tartankan oo markii ugu horeysay la dheelay sanadkii 2005, ayaa waxaa martigeliya waddanka sanadka xiga uu ka dhici doono koobka adduunka.

Waxaa walaac laga muujiyay ammaanka taageerayaasha u daawasho tegaya koobka adduunka ee 2018 ka dhici doona Ruushka, balse mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa ballanqadaay in ay samaynayaan qaab looga hortagi karo rabshadaha ka dhaca garoomada.