Mourinho oo lagu eedeeyay in uu canshuur lunsaday

Mourinho ayaa tababare u soo noqday kooxda Real Madrid intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013kii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mourinho ayaa tababare u soo noqday kooxda Real Madrid intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2013kii

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday lacago canshuur ah, intii uu laylinayay kooxda Real Madrid ee dalka Spain ka dhisan, sida ay sheegeen dacwad oogeyaal reer Spain ah.

Mourinho oo reer Boortaqiis ah ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday 3.6 milyan oo doolar intii u dhaxaysay 2011kii ilaa 2012kii.

Wali kama uusan jawaabin eedayntaas.

Dacwad ooge ayaa sheegay in uusan shaacinin lacago uu ka helay isticmaalka sawirradiisa si uu "faa'iido sharci darro ah uga helo".

Dad kale oo magac leh ayay dhawaan Spain ku eedaysay in ay lacago canshuur ah lunsadeen.

Kuwaas waxaa ka mid ah Cristiano Ronaldo oo u dheela kooxda Real Madrid kaas oo loo yeeray 31 Luulyo si uu uga jawaabo eedaymaha loo soo jeediyay ee sheegaya in lacago soo galay ka qarsaday waaxda canshuurta. Eedaymahaas horay ayuu u diiday.