Chile oo usoo baxday fiinaalka koobka confederations-ka

Claudio Bravo Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Bravo ayaa badbaadiyay saddex rigoore

Goolhayaha kooxda Manchester City, Claudio Bravo, ayaa guul u horseeday xulka qaranka Chile oo rigoorooyin ku reebay kan Bortaqiiska, oo ay wada dheeleen nus dhammaadka koobka confederations-ka ee ka socda Ruushka.

Bravo ayaa gool ku laadyo ka qabtay saddexda laacib ee kala ah Ricardo Quaresma, Joao Moutinho iyo Nani, ayadoo saddexda rigoore ay u wada dhaliyeen Chile laacibiinta kala ah Arturo Vidal, Charles Aranguiz iyo Alexis Sanchez.

Labada xul ayaa 0-0 isla dhaafi waayay 120-ka daqiiqo ee ay ciyaareen, waxaana ay labada dhinac u muuqdeen kuwo daallan.

Chile ayaa Axada fiinaalka kula dheeli doonta garoonka Kazan xulka kasoo baxa Jarmalka iyo Mexico oo habeenka Jimcaha wada ciyaari doona.