Jarmalka oo Chile la dheeli doona fiinaalka koobka Confederations-ka

Jarmalka Mexico Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Jarmalka ayaa 4-1 uga adkaaday Mexico

Xulka Jarmalka ayaa si sahlan 4-1 uga adkaaday kan Mexico ciyaartii nus dhammaadka koobka confederations-ka ee ka dhacday garoonka Fisht Olympic ee magaalada Sochi.

Leon Goretzka ayaa laba ka mid ah goolashaasi dhaliyay daqiiqadihii lixaad iyo sideedaad ee ciyaarta, halka Timo Werner iyo Amin Younes ay Jarmalka u kala saxiixeen labada kale.

Mexico ayaa fursado badan oo ay gool ku dhalin kartay iska lumisay, waxaana mararka qaar ay ahayd mid ka taag roon Jarmalka.

Jarmalka ayaa fiinaalka Axada la dheeli doona xulka Chile, ciyaartaasi oo ka dhici doonta garoonka magaalada St Petersburg.

Xulalka Mexico iyo Bortaqiiskana waxa ay ku hardami doonaan kaalinta saddexaad, ciyaartaasi oo dhici doonta isla Axada.