Goolhayihii Manchester City oo ku biiray Chelsea

Willy Caballero Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Willy Caballero ayaa Manchester City ku biiray sanadkii 2014

Kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa lasoo wareegtay goolhayihii hore ee Manchester City, Willy Caballero, kaasoo aan wax koox ah ka tirsanayn.

Laacibkan u dhashay Argentina ayaa waxaa dhammaadkii xilli ciyaareedkii tegay iska fasaxday Man City, ka dib markii uu dhammaaday qandaraaskiisa oo ku ekaa bisha June.

Caballero oo 35 jir ah, ayaa sanadkii 2014 City kaga soo biiray kooxda Malaga ee ka dhisan Spain, waxaana xilli ciyaareedkii tegay uu kooxda macallin Pep Guardiola u saftay 26 kulan.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan ku biiro kooxda haysata horyaalka Ingiriiska," ayuu yiri Caballero, oo intaa raaciyay in uu rajaynayo in guulo badan uu la gaaro Chelsea.

Kooxdaasi ka dhisan London ayaa iska iibisay goolhayaheeda keydka ahaa, Asmir Begovic, oo bishii May ku wareegay kooxda Bournemouth.