Messi oo aqblay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo Barcelona.

Lionel Messi Lahaanshaha sawirka EPA/Reuters
Image caption Lionel Messi ayaa dhaliyey 507 gool, 583 kulan tan iyo markii uu kooxda u saftay sanadkii 2004-tii

Xiddiga kooxda Barcelona, Lionel Messi ayaa ogolaaday saxiixa heshiis cusub oo waqtiga uu kooxda kula joogo sii dheeraynaya, taasi oo ka dhigan in uu ka sii mid ahaado kooxda reer Spain illaa iyo sanadka 2021-ka.

Sodon jirka reer Argentine ah ayaa Barcelone ku biiray isagoo 12 sano jir ah, waxaana la filayaa in uu heshiiska qalinka ku duugo marka uu ku soo laabto tababarka ka dib ciyaaraha is-diyaarinta.

"Kooxdu [Barcelona] waxay aad ugu faraxsan tahay dib u cusboonasiinta iyo ka go'naashaha Messi ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda" ayaa lagu yiri war ay soo saartey kooxda ka ciyaarta horyaalka Spain ee La Liga.

Wuxuu dhaliyey 507 gool, 583 kulan tan iyo markii uu kooxda u saftay sanadkii 2004-tii. Wuxuu noqday ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliyey tartankaasi isagoo shabaqa ku hubsaday 349 gool.

Hadalka ka soo baxay Barcelona waxaa kale oo lagu yiri in Messi "uu ku hogaamiyey kooxda guul aan caadi ahayn, taasi oo aan horay taariikhda kubadda cagta aduunka aan horay looga arag".

Lahaanshaha sawirka Reuters