Fifa oo ciyaaraha ka joojisay naadiyada Suudaan

Sharciga Fifa wuxuu dawladaha ka mamnuucayaa in ay arrimaha kubadda faraha la galaan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sharciga Fifa wuxuu dawladaha ka mamnuucayaa in ay arrimaha kubadda faraha la galaan

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa Suudaan ka mamnuucday ciyaaraha, sababtuna waxay tahay faragalinta ay dawladdu ku hayso ciyaaraha.

Bishii hore ayaa digniin loo soo jeediyay ka dib markii ay dawladdu madaxweyne cusub u magacawday xiriirka kubadda cagta ee Suudaan.

Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh ayaa laga hor istaagay in ay ka qaybqaataan ciyaaraha koobka horyaallada Afrika halka kooxda Al Hilal laga joojiyay tartanka Confederation Cup.

Taas waxay ka dhigan tahay in ay baaqanayaan labo ciyaarood oo ay maanta oo Jimce ah yeelan lahaayeen Hilal iyo Merreikh.

Al Merreikh ayaa la dheeli lahayd naadiga Etoile du Sahel ee ka dhisan dalka Tunisia, halka Al Hilal ay marti galin lahayd Ferroviario Beira oo ka socota dalka Mozambique.