Ciyaaryahan u dheeli jiray Manchester United oo baadari noqday

Philip Mulryne Lahaanshaha sawirka PHILIP MCSHANE
Image caption Mulryne oo ku dhashay Belfast ayaa sidoo kale u dheelay kooxaha Norwich City iyo Leyton Orient.

Philip Mulryne oo usoo dheelay kooxda Manchester United iyo xulka Northern Ireland, ayaa loo caleema saaray inuu noqdo baadari ka tirsan mad-habta Roman Catholic.

Mulryne, oo mar sanadkii qaadan jiray 600,000 oo Pound ayaa ku biiray baadariyaasha kaniisaddaasi oo wacad ku mara in aanay raadineyn maal adduun.

Xafladda uu laacibkan hore ku noqday baadariga ayaa Sabtidii ka dhacday magaalada Dublin, waxaana garwadeen ka ahaa baadari Joseph Augustine Di Noia oo munaasabadda awgeed uga yimid magaalada Rome.

Mulryne oo ku dhashay Belfast ayaa 27 kulan u saftay xulka Northern Ireland, waxaana uu sidoo kale u dheelay kooxaha Norwich City iyo Leyton Orient.

Lahaanshaha sawirka PACEMAKER
Image caption Mulryne oo ku dhashay Belfast ayaa 27 kulan u saftay xulka Northern Ireland

Sanadkii 1997 ayuu Manchester United kaga soo biiray kooxda da'da yar ee naadigaasi, haseyeeshee laba sano ka dib ayuu u wareegay kooxda Norwich City, halkaasoo uu dhaawac ka bixi waayay.

Sanadkii 2009 ayuu ka fariistay ciyaaraha, waxaana uu markaa billaabay inuu jaamacad u galo barashada diinta Kiristaanka.