Lukaku oo macsalaameeyay taageerayaasha Everton

Chelsea oo horay isaga gaday Romelu Lukaku ayaa hadda raadinaysay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Chelsea oo horay isaga gaday Romelu Lukaku ayaa hadda raadinaysay

Romelu Lukaku ayaa fariin macsalaamo ah u diray Everton isaga oo isu diyaarinaya in uu u wareego Manchester United.

Weeraryahankan 24 jirka ah ayaa baaritaan caafimaad maray Sabtidii iyo Axaddii waxaana lagu wadaa in uu ku biiro Manchester United isaga oo lagula soo wareegayo 75 milyan oo gini, inkastoo ay raajicinaysay kooxdii uu horay ugu soo dheelay ee Chelsea.

Ciyaaryahankan reer Belgium oo afka hore ka dheela ayay Everton 28 milyan ka soo siisatay kooxda Chelsea bishii Luulyo ee sannadkii 2014kii, wuxuuna Horyaalka "Ingiriiska ee Premier League ka dhaliyay 68 gool.

Waxaan rabaa in aan aad ugu mahadceliyo dhammaan dadka ku lugta leh Everton," ayuu ku soo qoray Instagram-ka Axaddii.

"Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo taareeyaashii muddada afarta sano ah aan soo wada qaadanay. Anoo ku faraxsan waxaan dhihi karaa sharaf ayay ii ahayd in aan hortiina ku ciyaaro."