Lukaku oo tababarkiisii ugu horeeyey la bilaabay Manchester United

Romeo Lukaku oo tababr la bilaabay kooxda Manchester United
Image caption Romeo Lukaku oo tababr la bilaabay kooxda Manchester United

Romelu Lukaku ayaa tababar la bilaabay kooxda Manchester United oo uu dhowaanta ku biiray.

Lukaku oo 24 jir ah ayaa kooxda Everton ka soo tagay. Waxaana ay ku iibisay lacag gaaraysa 75 milyan oo gini

Lukaku oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu baahi weyn u qabo inuu ku guulaysto koobab badan.

Lukaku waxay saaxiibo dhow yihiin Paul Pogba oo isna Manchester United u dheela.

Weeraryahan reer Biljim ayaa sidan yiri ' Waxaa saaxiib dhow ii ah Paul Pogba isagana ayaana wax walba ii sharxi doona '

Dhinaca kale waxaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Everton Weyn Rooney oo mudo 13 sano ah u ciyaaryay kooxda Manchester United.

Iibsashadan ay kooxda Manchester United ay soo iibsatay Lukaku ayaa noqonaysaa tilaabo wax weyn ku soo kordhin karta kooxda

Manchester United ayaa mudaba xaalkeedu uusan fiicnayn. tan iyo intii ay ka tagay Sir Alex Ferguson