Kooxaha England ka dhisan oo baadigoobaya ciyaartoy cusub

Goolhayihii hore ee kooxda Manchester United Joe Hart ayaa waxaa danaynaya kooxda Westham. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Goolhayihii hore ee kooxda Manchester United Joe Hart ayaa waxaa danaynaya kooxda Westham.

Goolhayihii hore ee kooxda Manchester United Joe Hart ayaa waxaa danaynaya kooxda Westham.Joe Hart ayaa mustaqbalkiisa kooxda Man City aanan la hubin.inkastoo uu haysto qandaraas ilaa 2019-ka ah.

Waxaa sidoo kale jira in goolhayahani ay doonayso kooxda Manchester United.Joe Hart ayaa ciyaaray 71 ciyaar oo caalami ah. Waxaana ka helay macalin Mourinho.

Dhinaca kale weeraryahanka kooxda Arsenal Sanches ayaa la sheegayaa inay doonayso kooxda Manchester City. Sanches oo 28 jir ah ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhamaanayaa sanad ka dib.

Macalinka kooxda Arsenal Arsena Wenger ayaa sheegay inay tahay in ciyaartoyda ay xushmeeyaan heshiisyada ay gallaan.

Tartanka horyaalka England ayaa lagu wadaa inuu bilowdo bishan Agoosto ee sanadkan.Waxayna kooxaha hadda ku jiraan kala iibsashada ciyaartoyda ay danaynayaan.