Kooxda Everton oo Tanzania ka dagtay

Rooney oo sawir la galaya taageereyaal
Image caption Rooney oo sawir la galaya taageereyaal

Kooxda Everton ee ka dheesha Horyaalka Ingiriiska ee English Premier League ayaa ka dagtay magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Waa booqashadoodii koobaad ee ay ku tagaan Bariga Afrika.

Booqashadan ayaa qayb ka ah ciyaaraha hordhaca ah ee ay yeelanayaan ka hor xilli ciyaareedka 2017/2018.

Everton oo kaalinta toddobaad ku dhamaysay xilli ciyaareedkii hore ayaa Tanzania gaysay dhammaan dadka u ciyaara.

Kooxd oo ka soo duushay magaalada Liverpool ayaa ayaa 8:00 subaxnimo ee saacadda Bariga Afrika ka dagay garoonka caalamiga ah ee Dar es Salaam.

Ciyaaryahannada safarkan ka qaybqaadanaya waxaa ka mid ah Wayne Rooney oo ay kooxdu dhawaan soo saxiixatay, kaas oo ka soo wareegay Manchester United markii uu qandaraaskiisu dhamaaday.

Image caption Yannick Bolasie u dheela Everton ayaa salaamay taageereyaal reer Kongo ah

Rooney oo magac ku leh ciyaaraha ayaa la filayaa in uu ciyaartiisa u horaysa u safto marka ay Everton iyo kooxda Gor Mahia ee dalka Kenya ay isku arkaan garoon ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo qaada 60,0000 oo ruux.

Taageereyaal badan ayaa ka tagay dalalka Deriska ah si ay ciyaartaas u soo daawadaan.

Dad ku soo arruuray bannaanka huteelka ay kooxdu ku dagtay ayaa ku dhawaaqayay Rooney Rooneey ka dib markii ay arkeen isaga oo baska ka soo dagaya.

Image caption Soo dhawaynta dhaqanka Masaai-da ayaa Everton loogu sameeyay Tanzania