Kyle Walker oo ku biiray Manchester City

Kyle Walker Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kyle Walker ayaa Tottenham u saftay 183 kulan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska

Manchester City ayaa kooxda Tottenham kala soo wareegtay Kyle Walker oo daafaca ka dheela, ayadoo heshiiska laacibkaasi uu marka hore ku kacay 45 milyan oo Pound.

Walker oo 27 jir ah ayaa heshiis 5 sano ah la galay City, waxaana qiimahiisa uu gaari karaa 50 milyan oo Pound haddii uu guulo la gaaro kooxda ku dheesha garoonka Etihad.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kusoo biro City, waana sugi la' ahayn inaan u ciyaaro," ayuu yiri Walker oo intaa raaciyay " Pep Guardiola waxa uu ka mid yahay tababarayaasha loogu jecel yahay caalamka."

Walker, oo sanadkii 2009 Tottenham kaga soo biiray kooxda Sheffield United ayaa u saftay 183 kulan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska.

Tababare Guardiola ayaa dhawaan fasaxay saddex ka mid ah ciyaartooyda uga dheesha daafaca, oo ay ku jiraan Pablo Zabaleta iyo Bacary Sagna.

Waxa uu filayay inuu lasoo wareego Dani Alves, balse laacibkaasi ayaa Arbacadii hore ku biiray Paris St-Germain.

Walker, ayaa ah ciyaartoygii saddexaad ee xagaagan kusoo biira City, waxaana ka horreeyay Bernardo Silva oo khadka dhexe ah iyo goolhaye Ederson Moraes.