Andrew Robertson oo ku biiray Liverpool

Andrew Robertson Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Andrew Robertson

Liverpool ayaa kooxda Hull City kala soo wareegtay Andrew Robertson oo daafaca ka dheela, ka dib markii ay ku heshiiyeen lacag dhan 10 milyan oo Pound.

23 jirkan u dhashay Scotland ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis muddo dheer ah la saxiixday kooxda ku dheesha garoonka Anfield.

Robertson ayaa sheegay inuu ka faraxsan yahay ku biiridda Liverpool oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan caalamka.

Daafacan ayaa sanadkii 2014 Hull kaga soo biiray kooxda Dundee United lacag dhan 2.85 milyan oo Pound, asagoo xilli ciyaareedkii tegay u dheelay kooxdaasi 39 kulan ka hor inta aanay ka harin horyaalka.

Sideed kooxood oo ka dheela horyaalka Ingiriiska iyo weliba kooxaha PSV Eindhoven iyo Sporting Lisbon ayaa lagu soo warramay inay doonayeen la wareegidda Robertson.

Waxa uu noqonayaa laacibkii saddexaad ee xagaagan kusoo biira Liverpool, waxaana ka horreeyay Maxamed Saalax iyo Dominic Solanke.