John Terry iyo Chelsea oon FA-da kala kulmi doonin ganaax

Chelsea Lahaanshaha sawirka Getty Images

Kooxda Chelsea iyo John Terry ayaan ganaax kale kala kulmi doonin hay'adda maamusha kubadda cagta ee Ingiriiska ee FA, arrintaas ayaana la xiriirta badalitaankii lagu sameeyay ciyaartii u dambaysay ee uu kabtanku ku dheelo garoonka Stamford Bridge.

Ciyaaryahankan 36 jirka ah ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii 26aad isaga oo ku jaangooyay lambarka funaanadda uu ku ciyaari jiray.

Kumannaan gini ayaa la gu helay khamaar lagu dhigtay saadaalinta wakhtiga la badali doono ciyaartii u dambaysay ee xilli ciyaareedkii hore, arrintaas ayaana horseeday in waaxda sumcadda u qaabilsan xiriika kubadda ee FA-du in ay billawdo baaritaan.

Hadda ayayna go'aamisay in aysan jirin wax laga jawaabo