Neymar oo sanadkiiba mushaar ahaan u qaadan doona £40.3 milyan

Neymar Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Neymar Jr

Weeraryahanka u dhashay dalka Brazil, Neymar, ayaa todobaadkiiba qaadan doona mushaar dhan 775,477 oo Pound, marka uu ku biiro kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris St-Germain.

25 jirkan la filayo in kooxda Barcelona laga siisto lacag dhan 198 milyan oo Pound, taasoo noqon doonta rikoor cusub oo u yaal suuqa kala iibsiga ciyaartooyda, ayaa sanadkii qaadan doona lacag dhan 40.3 milyan oo Pound ka hor inta aan canshuurta laga jarin.

Tababaraha kooxda Barca, Ernesto Valverde, ayaa u ogolaaday Neymar inuu mustaqbalkiisa go'aan ka gaaro, waxaana la filayaa in maalmo gudahood uu ku biiro kooxda PSG.

Neymar ayaa la sheegay inuu yahay laacibka keliya ee lacag ka badan tan mushaarkiisa ka hela xayaysiinta uu sameeyo.

Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyo ayaa waxaa ka mid ah Nike, Gillette iyo Panasoni.