Leicester City oo lasoo wareegtay Kelechi Iheanacho

Kelechi Iheanacho Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Kelechi Iheanacho

Kooxda Leicester City ayaa lasoo wareegtay weeraryahanka Manchester City, Kelechi Iheanacho, ayadoo la rumaysan yahay inay ka bixisay lacag dhan 25 milyan oo Pound.

20 jirkan u dhashay Nigeria, oo 64 kulan oo uu saftay Man City u dhaliyay 21 gool, ayaa kooxda Leicester u saxiixay heshiis 5 sano ah.

Bishii August ee sanadkii tegay, ayaa Iheanacho waxa uu heshiis ilaa 2021 ah u saxiixay City, balse waxaa booska ka qaatay Gabriel Jesus oo bishii January kusoo biiray kooxdaasi.

Iheanacho ayaa noqonaya ciyaaryahankii afaraad ee ay xagaagan lasoo wareegto kooxda macallin Shakespeare, waxaana ka horeeyay goolhaye Eldin Jakupovic, Harry Maguire iyo Vicente Iborra.