Mo Faarax oo markale guulaystay

Mo Faarax Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mo Faarax

Orodyahanka caanka ah ee reer Britain, Mo Faarax, ayaa kalsooni ku qaba inuu ka soo kabsan doono dhaawac ka soo gaaray tartankii Jimcihii, isagoo doonaya in guusha uu ka gaaray orodka 10,000 ee mitir uu ku darsado billadda dahabka ee 5,000 ee mitir.

34-jirkan ayaa difaacday billaddiisa kaddib markii uu galay tartankii ugu adkaa noloshiisa, kaddib markii uu laba jeer dhulka ku dhacay, balse waa uu ka soo kabsaday waxa uuna sidaa ugu guulaystay billaddii ugu horreysay ee tartanka 2017 World Championships ee lagu qabtay garoonka London.

Isreebreebka 5,000 mitir ayaa bilaabanaya maalinta Arbacada ah, waxa uuna tartankaas noqonayaa midkii ugu dambeeyay ee uu Mo Faarax ka qeybqaato ka hor inta uusan u wareegin orodka Marathon-ka.

Mo Faarax ayaa Jimcihii orday 26 daqiiqo 49.51 ilbiriqsi, orodkaasna waxa uu ahaa midkii ugu degdega badnaa tartanka 10,000 ee mitir tan iyo sanadkii 2011, wax ka yar nus ilbiriqsi ayuuna kaga guulaystay orodyahanka reer Uganda ee Joshua Cheptegei, halka kaalinta saddexaadna uu galay orodyahanka reer Kenya Paul Tanui.