Liverpool oo ku gacan seyrtay in Barclone ay ka iibiso Coutinho

bbc

Kooxda Liverpool ayaa diiday dalab uga yimid kooxda Barcelona oo ay ku doonaysay in 116 milyan oo doolar kula wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Philippe Coutinho.

Waa isku daygii labaad oo Barca ay ku doonayso laacibkaasi 25 jirka ah, iyadoo goor sii horeysay Liverpool geeska galisay 98 milyan oo doolar.

Liverpool ayaa ku adkeysanaysa inay xajisato Coutinho oo sanadkii 2013 ay kagala soo wareegtey 10 milyan oo doolar kooxda Inter Milan.

Barcelona ayaa doonaysa cid ay ku badasho weeraryahanka reer Brazil Neymar oo ay kaga iibisay 260 milyan oo doolar kooxda Faransiiska ee Paris St-Germain, iyadoo taasi ka dhigayso qiimihii ugu qaalisanaa ee abid lagu iibsado ciyaartooy.