Super Cup: Real Madrid oo ka adkaatay Barcelona

Ronaldo Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ronaldo ayaa dhaliyay mid ka mid ah saddexda gool ee Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa 3-1 uga adkaatay Barcelona lugta koobaad ee Super Cup-ka Spain, ciyaar xalay ka dhacday garoonka Nou Camp.

Xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa u dhaliyay mid ka mid ah saddexdaasi gool, inkastoo markii dambe uu kaarka cas ka qaatay.

Goolka koobaad ee Real ayaa ahaa mid uu shabaqa kooxdiisa ku saray Gerard Pique, waxaana 27 daqiiqo ka dib goolka barbaraha u dhaliyay Barça laacibkeeda Lionel Messi.

Ronaldo, oo ciyaarta bedel kusoo galay, ayaa kaarka cas qaatay ka dib markii loo taagay jaale labaad.

Jaalaha koobaad wuxuu ku qaatay markii uu fanaanaddiisa siibay asagoo u debaaldegaya goolka uu dhaliyay. Kan labaadna waxaa loo taagay markii uu isku tuuray goolka Barcelona agtiisa.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ronald ayaa markii dambe loo taagay kaarka cas

Ronaldo ayaa ku doodayay in Samuel Umtiti oo daafaca uga dheela Barça uu xeyndaabka rigoorada ku dhex tuuray, sidaana uu xaq ugu lahaa rigoore.

Goolka saddexaad ee Real ayaa ahaa mid uu si qurux badan u dhaliyay Marco Asensio.

Lugta labaad ee Super Cup-ka Spain ayaa waxa ay Real ku martigelin doontaa Barça habeenka Talaadada ah.

Barcelona ayaa u muuqata inuu ka burburay nidaamkii weerarka ahaa ee loo bixiyay 'MSN' oo loo soo gaabiyay Messi, Suarez, Neyman, ka dib markii dhawaan uu Neymar kaga biiray Paris St-Germain.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Barcelona 1-3 Real Madrid

Gerard Deulofeu oo la filayay inuu buuxiyo kaalinta Neymar ayaa xalay wax tari waayay, asagoona khasaariyay fursado goolal lagu dhalin karay.