Ganacsade Shiinays ah oo iibsaday kooxda Southampton

Jisheng Gao iyo qoyskiisa ayaa la fahamsan yahay in ay iibsadeen kooxda Southampton 80% Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jisheng Gao iyo qoyskiisa ayaa la fahamsan yahay in ay iibsadeen kooxda Southampton 80%

Jisheng Gao oo ah ganacsade Shiinays ah iyo qoyskiisa ayaa dhamaystiray heshiiskii ay ku gadan lahaayeen kooxda Southampton 80%.

Bishii Janaayo ayay shirkadda Lander Sports Development ee uu leeyahay Gao sheegtay in iibka lagu heshiiyay, laakiin la wareegitaankani uu hadda yahay maalgalin shaqsi.

"Maanta wakhti cusub oo ifaya ayaa u billawday naadiga" ayay tiri Katharina Liebherr oo kooxda Southampton ka dhaxashay aabaheed Markus, sannadkii 2010ka, markaas oo ay ka dheelayeen koobka League One.

Hadda waxay wali sii yeelan doontaa 20%.