Uefa oo baaraysa qaskii ciyaartii Everton ee koobka Europa League

Ciyaarta ayaa la joojiyay ka dib markii uu qas dhacay Lahaanshaha sawirka PA

Hay'adda maamusha kubadda cagta Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo Uefa ayaa baaraysa qaskii hakiyay ciyaartii loogu soo baxayay koobka Europa League ee dhex martay Everton iyo Hajduk Split.

Ciyaarta ayaa la hakiyay daqiiqaddii 33aad ka dib markii taageereyaashii martida ahaa ay ku qamaameen dhanka garoonkii lagu ciyaarayay ee Goodison Park, ayna ku dhex tuureen waxyaabo kala duwan.

Labada kooxood ayaa garoonka gees ka istaagay ka hor intii aysan booliiska iyo shaqaalaha garoonku soo celinin kala dambayntii.

Ciyaartoyda martida ah ayaa taageerayaashooda ka dalbaday in ay is dajiyaan, ciyaartii ayaana dib loo billaabay ka dib shan daqiiqo oo ay taagnayd.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kooxda Everton ayaa goosha koobaad dhashatay ka hor inta uusan qasku billaabanin, waxaana madaxa ugu sixiixay Michael Keane.

Kooxdan lagu naanayso Toffees ayaa la timid gooshii labaad iyadoo uu u dhaliyay Idrissa Gueye ka dib markii ciyaarta dib loo billaabay, 2-0 ayayna sidaad ciyaartii ugu dhammaatay oo guushu ku raacday.