Neymar oo labo gool ku aftaxay kulankii koobaad ee uu ku dheelo garoonka PSG

Neymar ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Neymar ayaa noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka

Neymar ayaa labo gool dhaliyay ciyaartii koobaad ee uu ku dheelo garoonka kooxdiisa cusub ee PSG oo 6 gool ku dardartay naadiga Toulouse.

PSG ayaa afar gool dhalisay iyadoo toban ciyaartoy oo kali ah ku dheelaysay, waxayna sidaa hoggaanka ugu qabatay koobka Ligue 1 ee dalka Faransiiska.

Max Gradel ayaa kooxdiisa u dhaliyay gooshii koobaad ka hor inta uusan Neymar la imanin gooshii barbaraha.

Ciyaaryahan Neymar ayaa kooxda Barcelona laga soo siistay lacagtii ugu qaalisanayd ee abid ciyaaryahan laga bixiyo oo ahayd 200 milyan oo gini.

Adrien Rabiot ayaa shabaqa ku hubsaday gooshii labaad iyadoo Edinson Cavani uu dhaliyay gooshii saddexaad, wax yar uun ka dib markii Marco Verratti la siiyay kaaraka casaanka ah.

Lahaanshaha sawirka EPA

Christopher Jullien ayaa saddex iyo labo ka dhigay, Javier Pastore iyo Layvin Kurzawa iayaa iyaguna min gool la yimid, ka dibna ciyaarta oo gabogabo maraysa ayuu Neymar gool kale la yimid.

Guushaas ayaana PSG u horseeday in ay kaalinta koobaad gasho iyadoo dhibcaha lala siman yahay balse ay dhanka goolasha kaga horrayso kooxaha Monaco iyo Saint-Etienne oo siiwada in ay guulaystaan.