Klopp iyo Coutinho oo xaaladooda meel wanaagsan marayso

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Klopp iyo Coutinho

Philippe Coutinho oo khadka dhexe ka dheela ayaa xannuun awgii u seegi doona lugta labaad ee loogu soo baxayo koobka Champions League.

Liverpool ayay ciyaartaas gorodda isku dari doonaan naadiga Hoffenheim, Arbacada.

Liverpool ayaa todobaadkii hore diidey gorgortan ka yimid kooxda Barcelona oo ay ku dooneysey ciyaaryahanka reer Brazil ee aanan safanin xili ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac soo gaaray.

Maamule Jurgen Klopp ayaa sheegey in uusan waxbo iska badalin go'aanka Liverpool, uusana wax war ka heynin xiliga Coutinho uu soo laabanayo.

Liverpool ayaa ku horeysa 2-1 gool ciyaarta garoonka Antfield, iyada oo kooxda soo baxda ay u talaabi doonto heerarka kooxaha ee horyaalka Champions-ka loo yaqaano.

"Farqiga u dhaxeeya todobaadkan iyo kii hore ayaa ah in qof kasta uu ogyahay tayada kooxda Hoffenheim" ayuu yiri Klopp.

"Aniga horey ayaan taas u ogaa, balse dad badan oo Englan ku nool ayaanan filanaynin in tayada Hoffenheim ay tahay kala barka waqtiga ciyaarta, waxaanan u baahanahay in aan badalno waxyaabaha qaar" ayuu sii raaciyey.

Wuxuu ammaanay garoonka Anfield oo uu sheegey in uu yahay meel ku habboon ciyaarta iyo sidoo kale daawadayaasha oo uu xusey in ay guusha u dagaalami doonaan.

Maamulaha kooxda Hoffenheim ninka lagu magacaabo Julian Nagelsmann ayaa sheegay in kooxdiisa aanan lagu handadi doonin ciyaarta Antfield.