Floyd Mayweather oo ka adkaaday Conor McGregor

Mayweather Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Feeryahan Floyd Mayweather oo rikoorkiisii guulaha gaarsiiyay 50-0

Feeryahanka caanka ah ee Floyd Mayweather ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxa uu wareegga 10-aad dhulka dhinaca u dhigay feeryahan Conor McGregor.

Feerkan oo ka dhacay magaalada Las Vegas ee waddanka Mareykanka ayaa waxaa tebinayay inta badan taleefishinada caalamka, guusha uu gaaray Mayweather-na waxa ay aheyd middaa 50-aad ee xiriir ah.

Feeryahankan haystay biladda horyaalka adduunka ayaa laba sano ka hor ka fariistay ciyaaraha, balse waxa dib ayuu ciyaaraha ugu soo laabtay si uu ula dheelo xidigga reer Ireland.

McGregor ayaanan ciyaartaa ka hor weligii dheelin ciyaar feer heerkan oo kale ah.

Mayweather oo ah 40-jir ayaa waxa uu feerkaasi ka helay ugu yaraan 100 milyan oo doolar halka McGregor la siiyay 30 milyan oo doolar.

Ciyaartan aadka loo wada sugayay ayaa waxaa dib loo dhigay ilaa muddo hal saac saxmad ka dhalatay bixinta lacagta tigidhada ee lagu galayay garoonka ay ciyaarta ka dhacaysay.

Lix boqol oo milyan oo doolar ayaa la filayaa in laga helo tigidhada lagu galayay ciyaarta iyo kharashka ay bixinayaan TV-yada tebinayay feerka.