Stoke oo Tottenham kala soo wareegtay Kevin Wimmer

Wimmer ayaa 15 jeer u saftay Tottenham labo xilli ciyaareed oo uu la joogay Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wimmer ayaa 15 jeer u saftay Tottenham labo xilli ciyaareed oo uu la joogay

Naadiga Stoke ayaa soo sixiixatay Kevin Wimmer oo difaaca uga dheelayay Tottenham waxayna kala soo baxeen 18 milyan oo gini.

Afar iyo labaatan jirkan oo dalkiisa Australia u saftay siddeed kulan ayaa Stoke u sixiixay qandaraas shan sano ah.

Wimmer ayaa markii hore Tottenham kaga yimid dhanka naadiga Cologne sannadkii 2015kii, isaga oo aan la shaacinin qiimaha lakala siistay, laakiin afar jeer oo kali ah ayaa lagu billaabay ciyaaraha Horyaalka Ingiriiska ee Premier League xilli ciyaareedkii tagay.

"Shaki la aan Kevin waa nin hibo leh, wax wayn ayuuna ku soo kordhin doonaa kooxda tayada leh ee aan hadda haysano" ayuu yuri Mark Hughes oo ah agaasimaha kooxda.

Wimmer ayaa noqonaya ciyaaryahankii toddobaad ee ay soo sixiixato kooxda Stoke xagaagan, waana difaacii afraad oo waxaa ka sii horreeyay Bruno Martins Indi oo lagala soo wareegay kooxda Porto, Josh Tymon oo six or ah ugu soo biiray kooxda iyo Kurt Zouma oo amaah ahaan ugaga yimid Chelsea.

Jese Rodriguez oo afka hore ka dheela ayaa isaguna xilli ciyaareed dhan amaah ahaan ula joogi doona kooxda Stoke isaga oo kaga yimid dhanka Paris St-Germain.

Darren Fletcher oo khadka dhexe ka dheela iyo Eric Maxim Choupo-Moting oo baalaha ka dheela ayaa iyaguna kooxda ugu soo biiray si xor ah ama iyaga oo aan koox kale laga soo iibsanin.