Liverpool oo diiday in ay Mamadou Sakho ku iibiso £25 milyan

Mamadou Sakho (oo dhexda ka muuqda) ayaa 28 jeer u ciyaaray qaranka Faransiiska Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Mamadou Sakho (oo dhexda ka muuqda) ayaa 28 jeer u ciyaaray qaranka Faransiiska

Liverpool ayaa diiday dalab 25 milyan oo Gini ah oo uga yimid kooxda Crystal Palace oo danaynaysa Mamadou Sakho oo difaac ka dheela.

Agaasimaha kooxda Crystal Palace, Steve Parish ayaa Talaadadii soo bandhigay dalabkan oo 22 milyan ah iyo 3 milyan oo kale oo ay kooxdu ku kordhin karto.

Waa dalabkii saddexaad ee kooxda Crystal Palace ka yimaada xagaagan iyaga oo danaynaya 27 jirkan, balse Liverpool ayaa si joogto ah u diidaysay iibinta difaacooda.

Waxayna sheegtay in aysan aqbali doonin wax ka yar 30 milyan oo gini haddiba ay noqoto in ay iibiso ciyaaryahankan Faransiiska u dhashay oo xilli ciyaareedkii hore amaah ugu maqnaa naadiga Selhurst Park.

Intii uusan billaabanin xilli ciyaareedkii horaba tababare Jurgen Klopp ayaa muujiyay in uusan aad ula dhacsanayn.

Leicester City iyo West Bromwich Albion ayaa iyaguna danaynaya Sakho.