Algeria oo fasaxday Riyad Mahrez si uu u dhamaystiro ka wareeggidda Leicester City

Riyad Mahrez Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Riyad Mahrez

Riyad Mahrez ayaa loo ogolaaday in uu ka tago dalka Algeria si uu "u dhamaystiro" ka wareegitaankiisa kooxda Leicester City, sida uu sheegay xiriirka kubadda cagta Algeria ee FAF loo soo gaabiyo.

Kooxda Roma ayaa saddex jeer soo dalbatay ciyaaryahankan 26 jirka ah tan iyo markii uu sheegay in uu doonayo in uu ka tago kooxda Horyaalka Ingiriiska qaaday xilli ciyaareedkii 2015-16kii.

Xiriirka kubadda cagta ee FAF ayaa sheegay in uu fasaxay si uu uga baaqdo tababarkii uu la qaadan lahaa xulka qaran si uu qorshihiisa ka tagitaaanka u soo dhamaysto inta uusan soo xirmin xilliga kala iibsiga.

Dalabka saddexaad ee kooxda Roma ka yimid ayaa la sheegay in uu yahay 32 milyan oo Gini, waxaana la sheegay in kooxdu ay hadda raadsanayso qof kale oo ay ku badalan karto.

Barcelona, Manchester United iyo Chelsea ayaa la sheegay in ay dhammaantood danaynayaan Mahrez.

Warka qoraalka ah ee FAF ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Mahrez uu fasax ka helay Lucas Alcaraz oo ah tababaraha qaranka Algeria iyo waliba xiriirka kubadda cagta si uu safar degdeg ah ugu aado Yurub una dhamaystirto hawlaha qabyada ka ah ee mustaqbalkiisa.

Xulka qaranka ayaa Khamiista diyaaarad u raaci doona Lusaka iyaga oo uusan la soconin ciyaaryahankooda afka hore ka dheela, waxayna Sabtida la dheeli doonaan Zambia.

Midawga xirfadleyaasha kubadda ee magacooda loo soo gaabiyo PFA ayaa Mahrez u magacaabay ciyaaryahanka sannadka, kadib markii uu kaalin wayn ka gaystay horyaalnimadii Leicester.

Saddexdii ciyaarood ee Leicester ka dheeshay Horyaalka Ingiriiska wuu wada saftay.