Liverpool oo ogolaatay in ay 40 milyan kula soo wareegto Oxlade-Chamberlain

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Arsenal kaga soo biiray Southampton sannadkii 2011kii Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Alex Oxlade-Chamberlain ayaa Arsenal kaga soo biiray Southampton sannadkii 2011kii

Naadiga Liverpool ayaa ogolaatay in ay Arsenal siiso 40 milyan oo gini si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka England dhexda uga dheela ee Alex Oxlade-Chamberlain.

Afar iyo labaatan jirkan oo Arbacadii diiday dalab uu ugu wareegi lahaa Chelsea oo ay heshiiyeen markii hore ayaa hadda ku biiri doona kooxda Liverpool, isaga oo sixiixaya qandaraas shan sano ah, toddobaad kastena wuxuu qaadan doonaa 120,000 oo gini.

Oxlade-Chamberlain, oo sannadkii u dambeeyay ee qandaraaska Arsenal ku jira ayaa diiday in uu sixiixo qandaraas cusub toddobaadkastana la siiyo 180,000 oo gini.

Afarkii kulan ee ay Arsenal ciyaartay xilli ciyaareedkanba wuu ka wada qaybqaatay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ka dheela ayaa baaritaan caafimaad mari doona Khamiistan ka hor inta uusan Malta u raacin xulkiisa qaranka ee England.

Suuqa kala iibsiga ayaa ku eg 1:00 saqda dhexe ee saacadda Bariga Afrika.

Oxlade-Chamberlain ayaa Arsenal u saftay 198 kulan tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Southampton sannadkii 2011kii, isaga oo dhaliyay 20 gool.

Lacagtan ayaa noqon doonta middii ugu badnayd ee Liverpool ay ku soo iibsato ciyaartoy, lacagtaasna waxaa ka sii badan doonta 48 milyan ee gini ee kooxdu ay qorshaynayso in ay kula soo wareegto Naby Keita xagaaga soo socda.