Rooney oo loo haysto in isagoo cabsan uu gaari kaxeeyey

Rooney todobaadkii hore ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo cayaaraha caalamiga Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Rooney todobaadkii hore ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo cayaaraha caalamiga

Weeraryahanka Everton Wayne Rooney ayaa la xiray ayadoo looga shakisan yahay in isagoo cabsan uu gaari kaxeeyey, sida ay BBC fahamsan tahay.

Cayaartoygaas ugu gool dhalinta badnaa xulka England ayey boolisku ku joojiyeen meel u dhow magaaladiisa Chechire habeennimadii Khamiista.

Rooney oo 31 ah ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo cayaaraha caalamiga, ka dib markii uu dalkiisa u dhaliyey 53 gool, 119kii cayaarood ee uu u saftay.

Wuxuu iminka ku biiray kooxdii uu u dheeli jiray markii uu aadka u dhallin yaraa ee Everton, goolal ayuuna u dhaliyey labadii cayaar ee ay horyaalka ku billaabeen.

Booliska Cheshire waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan, kooxda Everton-na kama aysan jawaabin mar ay BBC la xiriirtay.