Barcelona oo ka adkaatay juventus

Lionel Messi Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lionel Messi

Labo gool oo uu dhaliyay Lionel Messi ayaa Barcelona gacan ka siisay in ay si sahlan uga badiyaan kooxdii ay ciyaarta kama dambaysta ah ee Horyaalka Yurub wada yeesheen sannadkii hore, taas oo ka dhacday garoonka Nou Camp.

Messi ayaa qaybtii koobaad oo sii dhamaanaysa ka dib markii ay si wanaagsan isugu dhiidhiibteen Luis Suarez.

Ivan Rakitic ayaa goosha labaad u dhaliyay Barcelona ka dib markii xarijinta laga celiyay kubbad uu Messi soo darbeeyay.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa soo gunaanaday ka dib markii uu gool qurux badan ka dhaliyay meel 20 yaardi u jirta goosha isaga oo lugta bidix ku soo laaday.

Isaga oo baalaha midigta ka dheelaya ayuu soo dhaafay ciyaartoyda difaaca uga dheella Juve ka hor inta uusan goosha daba marinin gool haye Gianluigi Buffon.

Natiijooyinka kale ciyaarihii Talaadadii dhacay ee ka tirsanaa Horyaallada Yurub waxaa ka mid ahaa middii CSKA Moscow goosha laga hormaray ee aysa 2-1 kaga badisay markii dambe Benfica.

Naadiga Sporting Lisbon waxaa ammin dambe laga dhaliyay labo gool oo degdeg ah inkastoo ay Olympiakos oo marti loo ahaa kaga dhalisay 3-2. Roma iyo Atletico Madrid 0-0 ayay isla dhaafi waayeen.