Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub oo ganaxay FC Basel

Qiiqan ayaa lagu ganaaxay kooxda Lahaanshaha sawirka EPA

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa ganaaxay kooxda FC Basel ka dib markii ay taageerayaashoodu garoonka ka shideen waxyaabo qiiq kiciyay.

Arrintaasi waxay dhacday intii ay socotay ciyaartii ka tirsanayd koobka Horyaallada Yurub ee Manchester United ay 3-0ka kaga adkaatay FC Basel

Marouane Fellaini, Marcus Rashford iyo Romelu Lukaku ayaa saddexda gool kala dhaliyay.

Ciyaartaasi waxay ka dhacday garoonka Old Trafford Talaadadii.

Kooxaha Celtic iyo Paris St-Germain ayaa sidoo kale la ganaaxay , arrintaas ayaa iyadana dabo socotay ciyaarihii ay yeesheen ee ka tirsanaa koobka Horyaallada Yurub.