Lukaku: "aan ka socono haddalka muranka dhaliyay"

Sagaal ciyaarood oo uu Romelu Lukaku u dheelay dalkiisa iyo naadigiisa xilli ciyaareedkan goolal ayuu wada dhaliyay marka hal kulan laga reebo Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sagaal ciyaarood oo uu Romelu Lukaku u dheelay dalkiisa iyo naadigiisa xilli ciyaareedkan goolal ayuu wada dhaliyay marka hal kulan laga reebo

Ciyaaryahanka Manchester United u dheela ee Romelu Lukaku ayaa sheegay in uu doonayo in taageerayaasha kooxdu ay ka gudbaan hadalkii hees ahaanta ahaa ee ay u qaadeen ee muranku ka dhashay.

"Taageero badan ayaan helay tan iyo markii aan ku soo biiray Manchester United" ayuu yiri Lukaku, sida ay Lukaku ka soo xigatay barta rasmiga ah ee Manchester United.

"Taageereyaashu wanaag bay ula jeedeen heestooda laakiin aan horay uga wada socono"

Twitterka waxaa lagu soo gabogabeeyay "#RespectEachOther" oo macnaheedu u dhigmo aan iswada ixtiraamno.

Dhawaan ayay ahayd markii urur midab takoorka la dagaalama oo la dhoho Kick It Out uu la xiriiray kooxda Manchester United si taageerayaasha kooxdu ay u joojiyaan halqabsiga midab takoorka ah ee ay ay ugu heeseen Romelu Lukaku.

Ururukan wuxuu sheegay in heesta ku saabsan cabirka xubinka taranka ee ciyaaryahanka reer Belgium in ay tahay "qadaf" iyo "faquuq".

Ururuka Kick It Out wuxuu intaas ku daray in aan la aqbali karin nooc kaste oo faquuq ah xitaa haddii taageero loo muujinayo ciyaartoyga.

Bog ay leedahay United ayaa haddaba taageerayaasha waydiistay in ay heestaas joojiyaan.

Lukaku ayaa Everton laga soo siistay 75m oo gini xagaagan, waxaana laga yaabaa in uu gaaro 90 milyan oo gini.

Kick It Out ayaa sheegtay in aysan horay u sii ogayn muuqaalkan soo baxay 13 Sabtembar.

"Manchester United arrintan waan kala xiriirnay waxaana si dhaw ugala shaqaynaynaa iyaga iyo xiriirka kubaddaba si loo xaqiijiyo in xaaladdan durba wax laga qabto," ayuu yiri afhayeen u hadlay Kick It Out.

"Haddii ay na soo gaarto warbixin la xiriirta hal qabsiyo faquuq ah, waxaan u gudbinaa xiriirka kubadda, dadka ka dambeeyana waxay filan karaan in ay ciqaab wajahaan."