Chris Gunter oo ciyaaryahanka sannadka ka qaaday Gareth Bale

Chris Gunter Lahaanshaha sawirka .
Image caption Chris Gunter

Ciyaartoyga naadiga Reading uga dheela difaaca, Chris Gunter ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Wales sannadka 2017ka, isaga oo soo afjaray afartii sano oo uu darajadaas ku guulaystay Gareth Bale oo Real Madrid ka dheela.

Bale ayaase loo magacaabay ciyaaryahan ciyaaryahannada, Joe Allen oo khadka dhexe uga dheela Stoke-na waxaa loo magacaabay ciyaaryahanka taageereyaasha.

Laura O'Sullivan ayaa iyadana loo magacaabay ciyaaryahanadda ugu wanaagsan dumarka.

Ben Woodburn iyo Peyton Vincze ayaa loo magacaabay ciyaaryahannada ugu wanaagsan da'yarta.

Dhanka kalana Intii ay socotay munaasabbada sannad laha ah ee xiriirka kubadda cagta ee Wales waxaa abaalmarin gaar ah la siiyay Ian Rush.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Angharad James

Abaalmarinta Xiriirka Kubadda Cagta ee Wales sannadka 2017ka

Abaalmarinta ragga

Ciyaaryahanka sannadka: Chris Gunter

Ciyaaryahanka taageerayaasha sannadka: Joe Allen

Ciyaaryahanka da'yarta sannadka: Ben Woodburn

Abaalmarin xullidda saxaafadda: David Edwards

Ciyaaryahanka ciyaartoyda: Gareth Bale

Abaalmarinta gaarka ah ee FAW: Ian Rush

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan naadiyada Welsh Premier League ee sannadka: Craig Williams - Newtown AFC

Abaalmarinta dumarka

Ciyaaryahannadda sanadka: Laura O'Sullivan

Ciyaaryahannadda da'yarta sannadka: Peyton Vincze

Ciyaaryahannadda ciyaartoyda sanadka: Angharad James

Ciyaaryahannada taageerayaasha sannadka: Jess Fishlock