Saddexdii gool ee Messi oo Argentina u horseeday Koobka Adduunka

Messi Lahaanshaha sawirka AFP

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa saddex gool oo aad u qurux badan dhaliyay iyadoo Argentina ay gadaal ka soo karaar qaadatay ka dib markii ay goosha koobaad la hormartay Ecuador.

Sidaas ayayna ugu soo baxday Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Ruushka sannadka soo socda ee 2018ka.

Brazil ayaa iyadu horray u xaqiijisay u soo bixitaankeeda Koobka Adduunka, Uruguay-na waxay dhagaha ku dhufatay Bolivia oo ay 4-2 kaga badisay, Luis Suarez ayaa labo gool u sixiixay kooxdiisa.

Colombia ayaa iyaduna u sii dhawaatay u soo bixitaanka Koobka Adduunka ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay dalka Peru.

Peru ayaa kaalinta shanaad gashay waxay labo kulan oo isreebreeb ah isku arki doonaan New Zealand.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Alexis Sanchez oo naadiga Arsenal u dheela iyo xulkiisa qaranka Chile ayaa ka haray Koobka Adduunka ka dib markii ay guuldarro 3-0 ah ka soo gaartay ciyaartii ay Brazil la yeesheen.

Argentina kaalinta lixaad ku jirtay markii hore ayaa qarka u saarnayd in ay u soo bixiwaydo Koobka Adduunka oo aysan ka baaqanin tan iyo 1970kii.