Riyadii Suuriya ee u soo bixitaanka Koobka Adduunka oon rumoobin

Goolkii 50 ee Cahil u dhaliyo dalkiisa Australia ayaa u horseeday in ay sii noolaato rajadii ay ka qabeen u soo bixitaanka Koobka Adduunka Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Goolkii 50 ee Cahil u dhaliyo dalkiisa Australia ayaa u horseeday in ay sii noolaato rajadii ay ka qabeen u soo bixitaanka Koobka Adduunka

Waxaa hal bacaad lagu lisay noqday dadaalkii ay Suuriya ugu jirtay u soo bixitaanka Koobka Adduunka ee 2018ka ka dib markii ay Australia guusu ku raacday 2-1.

Ciyaartan ayaa ahayd fursaddii ugu dambaysay ee Suuriya, marka la isku daro natiijooyinka labadii kulan ee ay wada ciyaareenna wuxuu noqday 3-2.

Cumar Al Somah ayaa rajo galiyay dalka Suuriya ee uu dagaalku ragaadiyay ka dib markii uu gooshii koobaad ka dhaliyay ciyaartii ka dhacaysay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Laakiin ciyaaryahan Cahill, oo 37 jir ah ayaa durba goosha barbaraha keenay isaga oo labada gool ee dalkiisu ku badiyayba ku dhaliyay madaxa.

Suuriya oo lugtii hore barbaro 1-1 ah la timid ayaa qaybtii dambe ee ciyaartan labaad 10 ruux ku dheeshay ka dib markii Maxamuud Al Mawas kaarka cas loo taagay.

Australia ayaa hadda sidaas rajo ku yeelatay waxayna isreebreeb kale la gali doontaa mid ka mid ah Panama, Honduras ama Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Cumar Al Somah ayaa goolal ka dhaliyay ciyaartan iyo lugtii horaba