Dacwad oogeyaasha Switzerland oo baaritaan ku haya gudoomiyaha PSG

Nasser Al-Khelaifi oo ah ganacsade reer Qadar ah ayaa gudoomiye u ahaa kooxda PSG tan iyo sannadkii 2011kii Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nasser Al-Khelaifi oo ah ganacsade reer Qadar ah ayaa gudoomiye u ahaa kooxda PSG tan iyo sannadkii 2011kii

Dacwad oogeyaasha Switzerland ayaa baaritaan ku billaabay gudoomiyaha kubadda cagta ee kooxda Paris St-Germain, Nasser Al-Khelaifi.

Dacwadan ayaa la xiriirta baaritaannada socda ee lagu hayo Jerome Valcke oo horay u soo noqday xoghayaha guud ee Fifa.

Waxay arrintani si gaar ah ula xiriirtaa iibintii laga iibiyay telefeshinka Bein Sport xuquuqdii baahinta ciyaarihii Koobka Adduunka, maadaama uu Nasser telefeshinkaas ka yahay madaxa fulinta.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Switzerland ayaa sannadkii hore sheegay in uu baaritaan kala duwan oo maamul xumo la xiriira ku hayo Valcke.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa war qoraaal ah oo uu Khamiistii soo saaray ku sheegay in baaritaanka ay ku hayaan Al-Khelaifi uu salka ku hayo macluumaadkii ay heleen.