Hadal haynta maanta ee wararka ciyaaraha

Cristiano Ronaldo Lahaanshaha sawirka .

Cristiano Ronaldo oo 32 jir ah afka horena uga dheela kooxda Real Madrid ayaa doonaya in garoonka Bernabeu la keeno Marcus Rashford oo afka hore uga dheela Manchester United. Sida uu qoray wargayska (Don Balon oo af Spanish ku soo baxa).

Dhanka kalana ciyaaryahanka Manchester United khadka dhexe uga dheela Juan Mata oo 29 jir ah ayaa diiday in uu toddobaad kaste qaato 375,000 oo gini canshuurta ka dib si uu ugu biiro koox ka dheesha Horyaalka Shiinaha (Daily Mail).

Nigel Pearson oo horay tababare ugu soo noqday naadiga Leicester ayaan loo arkin uu noqon karo dadka u tartamaya shaqada tababarenimada ee laga eryay Craig Shakespeare. (Leicester Mercury).

Tababaraha Burnley Sean Dyche oo 46 jir ah ayaa ka mid ah dadka heerka sare kaga jira liiska isugu soo haray xulashada tababaraha naadiga Leicester ee lagu naanayso Foxes (Daily Express).

Tababaraha Wales, Chris Coleman oo 52 jir ah qandaraaskiisuna uu ku egyahay bisha soo socota ayaan waxba ka qabin in uu galo wadahadal ku saabsan booska ka bannaan garoonka kubadda King Power Stadium. (The Sun).

Kooxda Paris St-Germain ayaa isku dayi doonta in ay la soo wareegto tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho meesha lagu gaaro xagaagan soo socda. (Sun).

Tababaraha Manchester United, Mourinho ayaa diiday in uu wax ka dhoho mustaqbalkiisa fog ee kooxda. (Guardian).

Wakiilka ciyaaryahan Kevin de Bruyne ayaa farta ku fiiqi doona heshiiska sannad kaste ku kacaya 32 milyan ee gini ee ay kooxda PSG la gashay Neymar, si uu caddayn uga dhigto in ciyaaryahankan 26 jirka ah ee khadka dhexda ka dheela uu u qalmo qandaraas cusub oo ribix badan uu la galo Manchester City. (Telegraph).

Tababaraha Chelsea, Antonio Conte ayaa qirtay in uu iskudayay xagaagii hore in uu soo iibsado, Radja Nainggolan oo 29 jir ah khadka dhexena uga dheela kooxda Roma. (Daily Express).