Mourinho : "In aad difaaca adkaysato dambi ma aha"

Mile Svilar ayaa ku dhawaaday in uu ilmeeyo waxaana niyadda u dhisay Romelu Lukaku oo ay reer Belgian isla yihiin Lahaanshaha sawirka .
Image caption Mile Svilar ayaa ku dhawaaday in uu ilmeeyo waxaana niyadda u dhisay Romelu Lukaku oo ay reer Belgian isla yihiin

Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay "in aysan dambi ahayn in aad difaaca adkaysato" ka dib markii kooxdiisu ay ka badisay Benfica oo ay isku arkeen koobka Horyaallada Yurub.

Goosha kali ah ee ciyaartaas ka dhalatay waxaa keenay Marcus Rashford oo laad xor ah shabaqa kaga hubsaday Mile Svilar oo ah gool haye da'yar oo ay ugu horaysay ciyaar heer Yurub ah.

Svilar oo reer Belgiam ah ayaa ah gool haya ugu da'da yar ee tartankaas, wuxuuna jiraa 18 sano 52 maalmood.

Rashford ayaa walaac ku keenay United markii uu la dhutiyay dhaawac lawga ka soo gaaray qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaana badalay Anthony Martial.

Manchester United ayaa lagu dhaliilay qaabciyaareedkii ay soo bandhigeen kulankii ay Liverpool la yeesheen Sabtidii ee gool la'aanta ahaa.

Iyaga oo hal mar oo kali ah darbad ku aadiyay goosha, laakiin kooxdan lagu naanayso Red Devils ayaa xilli ciyaareedkan oo dhan laga dhaliyay lix gool oo kali ah.