Wiil lacag shan gini ah helay oo laacibka kooxdooda u diray

Mooy oo bidix ka muuqda waxaa la taagan tababare David Wagner Lahaanshaha sawirka .

Maxaad samayn markaad lacag hesho aabahaana kuu sheego in aadan haysanin wax aadan lahayn?

Markaas waxaad u diri ciyaaryahanka aad qaab ciyaareedkiisa jeclaysato

Sidaasi waa sida uu sameeyay wiil yar oo taageera kooxda Huddersfield Town Sabtidii, ka dib markii uu lacagta ka helay garoonka kubadda cagta ee John Smith Stadium.

Adam Bhana oo taageera Huddersfield Town ayaa abaalmarinta shanta gini ah u diray Aaron Mooy oo reer Australia ah ka dib markii uu ku guulaystay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ciyaartii ay la yeesheen Manchester United toddobaadkii hore.

Waraqdda uu Adam soo raaciyay lacagta wuxuu ku soo qoray "Mooy lacagtaas ha qaato sababtoo ah si wanaagsan ayuu u ciyaaray goolna wuu dhaliyay".

Taageerahan yar ayaa sheegay in uu shanta gini ka helay garoonka uuna doonayay in tababare David Wagner uu ka gaarsiiyo lacagta Mooy.

Agaasimaha naadiga Huddersfield Sean Jarvis ayaa warqaddii Twitterka ku soo qaray.

Adam aabihii ayaa BBC Radio 5 live u sheegay in wiilkiisu uu markii hore doonayay in lacagta uu ku wareejiyo tababare Wagner si uu kharashka kala iibsiga ugu kordhiyo.