Denmark oo indhaha isugu qabatay riyadii Ireland

Christian Eriksen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Eriksen ayaa 11 gool u dhaliyay Denmark intii ay socdeen ciyaarihii ay Koobka Adduunka ugu soo baxayeen

Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku guuldarraysatay in ay ka qayb gasho Koobka Adduunka ka dib markii saddex gool oo uu dhaliyay Christian Eriksen ay Denmark u suuragalisay in ay guul muhiim ah ka gaarto ciyaartii isku celiska ahayd ee loogu soo baxayay Koobka Adduunka ee Ruushka ka dhacaya sannadka fooda inagu soo haya ee 2018ka.

Kulankii hore ee ay labadan kooxood yeesheen ayaa ku soo dhammaaday barbarro gool la'aan ah.

Balse Denmark oo ciyaartan dambe marti loo ahaa ayaa si wanaagsan ku billawday ka dib markii uu daqiiqaddii lixaad uu gool u dhaliyay Shane Duffy ka dib markii ay difaac Ireland ku guul daraysteen in ay diilinta 18aad ka saaraan laad xor ah.

Intaas wixii ka dambeeyayna goolal ayaa raaxada lagaga qaaday, iydoo ciyaartu ay ku soo dhammaatay 5-1.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jamhuuriyadda Ireland ayaa ku guuldarraysatay in ay u soo baxdo afartii Koob ee Adduunka ee u dambaysay

Eriksen oo saddex ka mid ah goolashaas dhaliyay ayaa sheegay "in uu dareen aad u wanaagsan yahay. Waayo waxaan u soo dadaalaynay wakhti dheer si aan Koobka Adduunka uga qayb galno. Aad ayaana u sugaynaa, badanaa saddex gool ma dhaliyo, marka waa arrin wanaagsan.

"Waxaan ogahay sidii ay shucuurtaydu u kacsanayd habeen iyo maalinba, waxaan hananay kubadda, waxaana u dheelnay si ka wanaagsan sidii kulankii hore."

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taageereyaasha Denmark oo dabaaldegaya