Tababaraha Liverpool oo ka carooday garsoorihii dhexdhexaadinayay ciyaartii dhexmartay Liverpool iyo Chelsea

Ciyaartii dhexmartay Liverpool iyo Chelsea Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Ciyaartii dhexmartay Liverpool iyo Chelsea

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu ka carooday garsoorihii dhexdhexaadinayay ciyaartii xalay dhexmartay Kooxaha Liverpool iyo Chelsea, kaddib markii kooxdiisa ay u surtageli weyday isbedel ay doonayeen inay ku sameeyaan mid kamid ciyaartoyda, kahor inta aanu Willian goolka u dhalinin kooxda Chelsea.

Klopp ayaa isku dayay inuu ciyaarta soo geliyo Adam Lallana, waxaana uu ku eedeeyay garsooraha ciyaarta in aanu siinin fursad uu wax ku bedelo.

Kooxda Liverpool ayaa waxaa goolka u dhaliyay Maxamed Saalax oo xalay dhaliyay goolkiisi 10aad saddex iyo tobankii kullan ee uu saftay xili ciyaareedkan, halka kooxda Liverpool na uu goolka u dhaliyay willian.

Kooxda Chelsea ayaa qeybtii dambe ee ciyaarta goolka ku horumartay, hasayeeshe daqiiqdii 85 ee qeybta dambe ee ciyaarta ayaa kooxda Liverpool waxaa ay la timid goolka barbardhaca.

Kooxda Chelesea ayaan lagaga badinin garoonka Anfield ee kooxda Liverpool toddobo kullan oo ay halkaasi kula ciyaartay Chelsea tan iyo sannadkii 2013-ka