Mourinho oo laga dalbaday inuu sharraxo hadal kasoo yeeray

Jose Mourinho
Image caption Jose Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho ayaa laga dalbaday inuu sharraxaad ka bixiyo hadal kasoo yeeray kahor ciyaartii kooxdiisa ay la yeelatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man city.

Xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA ayaa ka codsady Mourinho inuu cadeeyo waxa uu ula jeeday hadalka ah in isaga aan loo ogoleyn in sida Guadiola uu ku dhaqaaqo arrimo siyaasadeed.

Tababaraha kooxda Man city Pep Guardiola ayaa dhawaan lagu arkay isagoo xiran calaamad jaala ah, taasi oo la sheegay inay ka dhigantahay inuu ka xunyahay dadka loo xirxiray madaxbanaanida gobolka catalonia ee dalka Spain oo uu u dhashay.

Fa ayaa Mourinho siiyay ilaa iyo maalinta isniinta inuu kaga jawaabo waxa uu ula jeeday hadalkaasi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Pep Guardiola

Dhanka kale difaaca kooxda Manchester United Eric Bailly ayaa dhaawa kasoo gaaray jilibka xili uu ka qeyb galayay ciyaaraha caalamiga ee xulka qaranka ee Ivory Coast.

Tababraha kooxdaasi Jose Mourinho oo ka hadlay dhaawaca ciyaaryahankan ayaa sheegay in laga yaabo inuu u baahdo qalliin haddi xaaladiisa ay noqoto mid aan sahlaneyn.

Mowduucyada la xiriira